Social Icons

twitterfacebookgoogle pluslinkedinrss feedemail

محول التاريخ taariikh rogaha

Sunday 7 July 2013

Xaflad lagu daahafurayay majalad loo magacdaray (مجلة العفة –عفتي سعادتي) majaladii dhawrsanaanta .





Xaflad lagu daahafurayay majalad loo magacdaray (مجلة العفة –عفتي سعادتي )7-7-2013
Xaflad Ku saabsan daahfurka majalad ka soo baxda magaalda laascaanood oo ay soo qabanqaabiyeen ardayda gabdhaha dacwada iyo hanuuninta ee magaalada laascaanood


Xafladaas waxaa lagu soo bandhigayey majalad loogu magacdaray (مجلة العفة –عفتي سعادتي )  oo ah majalada dhawrsanaanta .
Majaladaas  bandhigeedu waxuu ka dhacay hoolka machadka al furqaan ee magaalda laascaanood , majaladaas oo ka hadlaysa wxayaabo bada oo mujtamaca khuseeya oo arimo isugu jira :
مجلة العفة: مجلة نسائية دينية ثقافية علمية تصدر من ملتقى الطالبات للدعوة في لاسعانود-العدد الأول شعبان1434هـ/June2013م/

ü  الإفتتاحية
ü  تأملات تربوية
ü  قضايا اجتماعية وشرعية
ü  استقبال رمضان
ü  فتاوى إسلامية
ü  قبسات من سيرة السلف الصالح
ü  عرض صور دعوية رائعة
Majalada soo bandhigeeda waxaa ka soo qayb galay dadwaynaha magaalda oo ay qayb ka ahaayeen culimada magaalda, ganacsatada,waalidiinta iyo dhalinyarada macaahida iyo dugsiyada sare ee magaalda laascaanood
Waxaa marka koowaad hadalka furay ustaad: jaamac yaasiin oo xidhiidhiye ka haa xaflada
Waxaa lagu furfurtay quraanka kariimka ,waxaa muxaadaro waano ah oo ka hadlaysa dhawrsanaanta iyo meesha ay diinta kaga jirto qaatay fadiilatu sheikh : c/naasir  xaaji  maxamed (faraa,id)
Waxaa loo gudo galay soo bandhigda majalada oo uu soo bandhigay waxa ay ka hadlayso  sheekh maxamed aadam wali oo kamid ah ducaada magaalda laascaanood .
Kadib waxaa ka hadlay xafladaan sh maxamed salaad oo ah ducaada qurbajoogta ah ee ka timid wadanka ingiriiska oo isna ku dheeraaday ahmiyada xijaabka iyo sida looga baahanyahay in ay gabadha muslimada ahi u dhawrto.
Kadib waxaa afkii ganacsatada ku hadlay maamulaha shirkada telesom c/risaaq  axmed dhabayaco  oo isna ku dheeraaday sida ay magaaladu ugu qabto in ay noqoto magaalo horumarat oo ka hour marta dhanka tacliinta iyo wax akhriska balanqaadayna faafinta majaladan
Waxaa guntii iyo gabogabadii soo xidhay xaflada maamulaha machadka alfurqaan ee magaalda laascaanood  sheikh yuusuf haybe oo isna ka hadalay ahmiyada ay dacadu u baahantahay in kor loo qaado  
Waxaa looo mahadceliyay multaqihii soo diyaariyay majalada oo ahaa
ملتقى الطالبات للدعوة ولإرشاد في مدينة لا سعانود
 by : ibrahim mohamed sulieman (sancad) las-anod- sool - sommalia 
  





ardaydii ka soo qayb gashay iyo kuwii soo qabanqaabiyay
majalada galkeeda sare 


qayb kamida machadka al furqaan 

shiikhyadii ka soo qayb galay qaar kamida


sh c/naasir faraaid

soo bandhigidii majalad oo lagu soo bandhigayay projektar

sh maxamed aadam wali

sh maxamed salaad

majalatu cifah

sh maxamed aadam wali iyo c/risaaq ahmed warsame

gudoomiyaha shirkada telesom c/risaaq ahmed warsame (dhabayaco)


maamulaha machadka al furqaan sh yuusuf haybe 







No comments:

Post a Comment