Social Icons

twitterfacebookgoogle pluslinkedinrss feedemail

محول التاريخ taariikh rogaha

Tuesday 16 July 2013

maahmaahyada soomaalida:tuduca kowaad xarafka "A"


maahmaahyada soomaalida: oo aan u idiin tuduca kowaad xarafka "A"


Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
Aan wada hadalno waa aan heshiinno
Aar qoyey dacawo la mood
Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar
Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
Abeesadii farta loo taagey fanaxey u boodey.
Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
Abuur iyo waano abuur baa horreysey.
Adduun I khatal.
Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
Adhi magantii ma barriiyo.
Adhi-jiri ma kala abaal weydo.
adigoo banaan arkaya maxaa babac ku saaraaya.
Af a

No comments:

Post a Comment